U bood dhigaalka

Wajiga Labaad Shirka Dib-u-Heshiisiinta Beelo Ku Dagaalamay Mudug oo Galkacyo Ka Furmay

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ka furmay wajiga labaad ee shirka ku saabsan nabad gobolka, waxaana ka qeyb-galay xildhibaanno reer Faderaal ah, masuuliyiinta gobolka ee Puntland iyo Galmudug, iyo qaar kamida waxgaradka bulshada.

Shirkan oo si gaar ah diiradda loogu saaray shaqaaqooyin dhowaan ka dhacay galbeedka Mudug ayaa masuuliyiintii ka qeyb-galay waxay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo Nabadda, bulshadana lagu baraarujiyo inay ka fogaadaan xasradaha iyo iska hor imaadda xasilloonida lidka ku ah.

Sidoo kale waxay labada beelood ee dhowaan ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka ugu baaqeen inay colaadda soo afjaraan oo ay nabad qaataan, xalka ay waxgaradku soo jeediyaanna ay ku dhaqmaan.

Isku dhacyada hubaysan ayaa inta badan ka dhaca gobolada dalka, balse xallintooda ayaa muuqanaysay in waayadan dambe ay qeybaha kala duwan ee bulshadu xoogga saarayaan.