Xubno ka tirsan Xildhibaannada Galmudug ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May, 2026, shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga hadlay mowqifkooda ku aaddan isbeddellada siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka qaranka.
Mudaneyaashan ayaa si cad u sheegay inay taageersan yihiin hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, iyagoo tixraacaya cutubyada wax ka beddelka loogu sameeyay dastuurka dalka ee ay dhawaan ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa ammaanay guulaha laga gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna ku baaqeen in loo baahan yahay in Galmudug ay dhabahaas raacdo si shacabka fursad loogu siiyo inay doortaan madaxdooda.
Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in xasiloonida siyaasadeed ay ku jirto dhowrista sharciga iyo inaan laga dib dhicin qorshaha lagu ballaarinayo dimuqraadiyadda, iyagoo ugu baaqay madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed inay iska kaashadaan sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray ee ku aaddan hannaanka doorasho ee dalka.
Xildhibaanada ayaa si adag uga horyimid mowqifka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ee ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Galmudug ay qaadato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, iyagoo ku eedeeyay madaxda maamulka inay ka caga-jiidayaan isbeddelka dimuqraadiyadeed ee dalku hiigsanayo.