U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Shaacisay in Dambi Lagu Waayay Taliye Cabdifitaax Bashiir

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa shaacisay wax dambi ah lagu waayay taliyihii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali, kaas oo warqad soo qabasho ah loo jaray 24-kii bishaan, Maxkamadda gobolka ayaa waxkamajiraan ku tilmaantay eedeymaha loo heysto.

Maxkamadda ayaa xustay in G/Dhexe  Cabdifataax Bashiir Cali uu horyimid Maxkamadda Gobolka Banaadir Tr.28/04/2024, waxna laga waydiyay kiiska loo haystay, isla markaana ay Maxkamadda u cadaatay in uusan wax lug ah ku lahayn kiiska lagu eedayay taliyaha ciidanka booliiska garoonka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 24-kii bishan abriil Taliye cabdifitaax ku eedaysay inuu si sharci darro ah u dhisanayo dhul ku yaalla aagga Garoonka Aadan Cadde, waxayna Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ka dalbatay inuu soo xiro, kadib markii uu diiday inuu imaado maxkamadda.