U bood dhigaalka

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho Soo Gaaray

Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT, Ibrahim Kalin ayaa lagu warramaya inuu soo gaaray caasimadda Muqdisho , halkaa oo la sheegay inuu kula kulmi doono Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo hoggaanka sare ee dalka oo ay wada-hadallo ka yeelanayaan iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo amniga.

Inkastoo uu safarka Agaasime ibraahim kalin yahay mid qarsoodi ah oo aan xog faahfaahsan laga hayn, haddana ilo xog-ogaal ah oo sirdoonka Soomaaliya ku dhow ayaa xaqiijiyay inuu saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Socdaalkan uu Soomaaliya ku yimid kamida madaxda sirdoonada ugu awoodda badan bariga dhexe ayaa ka turjumaya sida uu Turkigu u danaynayo dalkan hodanka ku ah kheyraadka, kuna yaalla goobta istiraatijiga ah, balse ay dadkiisu colaadaha iyo saboolnimadu daashadeen ee ku yaalla bariga Afrika.