U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa “ Hawlgalka Atalanta Waxa uu Saldhig u Ahaa Kor u Qaadidda Badqabka iyo Amniga Guud ee Badda Soomaaliya”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimdda ay leedahay in la kobciyo awoodaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan, ulana wareegaan amniga guud ee ilaalinta iyo difaaca Badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo daawaday dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka, kuwaas oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayey Markab taagan xeebaha Soomaaliya saraakiil ka tirsan Hawlgalka Atalanta, ayaa uga mahadceliyey taageeradooda muhiimka ah, si looga difaaco xeebaha dalkeenna danbiilayaasha ka fuliya falalka sharci darrada ah.

“Tan iyo 2008, Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya, taas oo muhiim u ahayd ka hortagga burcad-badeednimada, hubinta badbaadada maraakiibta, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada ka dhaca badda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xukuumadda DanQaran ayaa waxaa ka go’an dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinta Xeebaha dalka, si ay uga hortagaan cid walba oo ka geysanaysa xadgudubyo.