U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka oo Kambala Uga Qeybgashay Shirka Labaad ee Baarlamanaka Africa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Entebbe uga qeyb gashay shirka labaad ee Baarlamaanka Afrika oo looga hadlayay muhiimadda qoyska iyo qaranimada.

Shirka waxaa ka qeyb-galay madaxda baarlamaanada dalalka Afrika, waxaana lagu soo bandhigay cilmi baarisyo badan oo ku saabsan arrimaha qoyska iyo xariirka kala dhexeeya qaranimada.

Guddoomiye Ku xegeenka labaad ee Golaha Shacabka marwo Sacadiyo yaasiin Xaaji iyo wefdi ballaaran oo ay hoggaaminayso ayaa Soomaaliya shir ku matalayay, ayadoo sii hahaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Danjire Cabdiladiif maxamuud cali.

Marwo Sacadiyo yaasiin oo Warbaahinta la wadaagtay waxyaabihii shirka laga hadlay ayaa sheegtay in muhiimadda qoyska diiradda lagu saaray shirka, sidoo kalena in dhaqanka dalalka la sii xoojiyo hoosta laga wada xariiqay.

Sidoo kale waxay tibaaxday in isbadalka cimilada sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay, layslana qiray inay saamayn weyn ku leedahay nolosha dadka Afrika iyo hormarka gayigeedaba.

Shirkan oo weli ka socda dalka Uganda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saari doono qodobo wax ku ool u ah qaaradda iyo dadkeedaba, xilli sanadkaan arrimo badan looga hadlay oo ku saabsan xaaladaha iyo isbedelka cimillada.