U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Dowlada Soomaaliya iyo Libiya, Kadib Wafdiga Gaaray Tripoli?

Wafdi uu hogaaminaayo Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb Daahir Maxamud Geele ayaa Kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya Maxamed Yonis AL-Manfi, kaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Dalka Libiya.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Lataliyaha are ee Madaxweeynaha ayaa dhanbaal salaan ah uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Liibiya, iyagoo kadib wada yeeshay kulan gaar ah.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya, sidoo kale isaga kaashan laheeyn xiriirka Ganacsiga iyo midka Amni iyo Siyaasadeed ee labada dowladood.

Dowladda Libiya oo caalamka aqoonsan yahay ayaa hadda ku jirta dadaallo dib guud ahaan awoodda dalka gacanta loogu soo celinayo, maadaama xukuumadda bariga ay ka soo horjeedo, Turkiga ayaa wada sidii Libiya looga hirgelin lahaa dowlad oo dhan yahay.

Dhallinyada badan oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa Libiya waxaa ay u noqotay marin, looga gudbo Yurub, waxaana xabsiyada dalkaas ku jiro dhallin badan oo ay gacanta ku hayaan kooxda magafayaasha, iyagoo dhowr jeer dalbaday in dowladda ay dalka dib ugu celiso.