U bood dhigaalka

Qaar Kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmo ee Gobollada Dalka oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa soo xiray tababar labo maalin ahaa oo ay Wasaaraddu Muqdisho ugu qabatay qaarka mid ah Maayarrada Dowlad Goboleeyada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

Maayarada ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Maayarada magaalooyinka; Kismaayo, Afmadow, Gaalkacyo, Laascaanood, Beledweyne, Xudur, Guriceel, Warshiiq iyo Warta-Nabadda.

Shirkaan ayaa ahaa mid ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS siineyso tababar hordhaca ,kahor safarka Dalka Jabaan oo ay kutagi doonaan qaarka mid ah Maayarada Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobalka Banaadir. Tababarka waxa uu diiradda saarayey horumarinta Dowladaha Hoose, Adeeg-bixinta, dowlad wanaag, kahortagga dhibaatooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha magaalooyinka iyo sida loo maareeyo iyo adkeynta xariirka ka dhaxeeya dowlada iyo dadka.

Waxaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta ka go’an sidey had walba ay u kobcin laheyd aqoonta iyo xirfadaha hawlwadeenada dowladaha hoose oo ay ugu horeeyaan maayarada degmooyinka dalka.T