U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka 5-aad Baarlamaanka Al- Qudus

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadalkiisa ku billaabay mahadcelin iyo bogaadin uu ujeediyay dowladda iyo shacabka Turkiga, ka dibna wuxuu si qiiro leh ugu nuux nuuxsaday xasuuqa iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee uu maamulka Israa’iil ka wado Marinka Qaza, wuxuuna ku tilmaamay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.


Wuxuu intaa ku daray inaan loo dulqaadan karin gumaadka lagu hayo carruurta, dumar, iyo dad rayidka ee nugul oo ku go’doonsan marinka Qasa, islamarkaana habeen iyo dharaar martida u ah duqeymaha aan naxariista lahayd iyo duullaanka xaq darrada ah ee Israa’iil.

Wuxuu sheegay in dalalkii waaweynaa ee ku andacoon jiray inay ilaaliyaan sharciyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadmigu ay qudhoodu ku lug yeesheen gumaadka reer falastiin, ayagoo si indho la’aan ah u taageeraya Israa’iil.

Wuxuu gabangabadii tibaaxay in waxa ka socda Qasa haddii ay meel kale oo caalamka kamida ka dhici lahaayeen uu adduunku degdeg u joojin lahaa, balse hadda ay dalalka dunida ka baqayaan maamulka Israa’iil oo haysta hub halis ah, islamarkaana ku daaban taageerada reer galbeedka.