U bood dhigaalka

Mareykanka oo Ruushka Ku Eedeeyay Inuu Sun Halis ah u Isticmaalay Dagaalka Ukraine

Sheeko:Caalamka

Maraykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Ruushka in uu jebiyey sharciga caalamiga ah ee mamnuucida hubka kiimikada,isaga oo u dagaalka Ukraine u adeegsadey sunta halosta ah chloropicrin , taas oo aan la ogoleyn dagaalka.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay lku tiri”Isticmaalka kiimikooyinka noocan oo kale ah, waxaa laga yaabaa in ciidamada Ruushku ay u adeegsadeen in ciidamada Ukraine laga saaro goobaha dhufaysyada ay ka dagaalamayaan.

Chloropicrin, oo ah dareere saliid leh oo aan midab lahayn oo ku keena cuncun daran indhaha, maqaarka iyo sambabada, ayaa tiro badan oo kamida la adeegsaday intii lagu jiray Dagaalkii koobaad ee Dunida,


sida uu sheegay Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Badbaadada Shaqada ee Mareykanka.

Ruushku waxa uu sheegay in aanu hadda haysanin hubka kiimikada ah ee milatariga ah,balse waxa uu wajahayaa cadaadis ku saabsan in la helo daah-furnaan dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalka kiimikada sunta ah.

Marka laga soo tago chloropicrin, ciidamada Ruushku waxay adeegsadeen bam-gacmeedyo ay ku jiraan gaasaska CS iyo CN, sida laga soo xegtay militariga dalka Ukraine.

Waxaana la sheegay in ugu yaraan 500 oo askari oo Yukreeniyaan ah laga daaweeyay walxaha sunta ah, halka hal askari uu dhintay ka dib markii uu ku neef qabatoobay sunta dadka ka ilmaysiisa oo ay adeegsadeen xoogagga Ruushku.