U bood dhigaalka

3 May: Maalinta Xorriyadda Hadalka Adduunka, Xilli Dunida Wali Tacadiga Saxafiga Ka Taagan Yahay

Maanta oo kale sanad weliba waxaa adduunka laga xusaa maalinta xorriyadda  saxaafadda madaxa bannaan oo ku beegan 3-da bisha May, lana asteeyay sanadkii 1993-kii,ayadoo ay dunidu isku tabisaa muhiimadda iyo kaalinta ay hormar ka geysato warbaahintu, tan iyo muddadii ay soo jirtay.

Sidoo kale waxaa maalintan oo kale lasoo  sameeyaa warbixinno iyo maqaallo ku saabsan saxafiyiinta iyo xoriyatul qawlka marka loo eego xaaladaha cakiran ee hadbaa ka jira caalamka, iyo caqabadaha ay heysta warfiyeennada  kala kulmaan, xilli mararka qaar ay la kulamaan caqabada iyo sumcad dil shakhsi ah.

Saxaafadda madaxa-bannaan oo lagu tilmaamo oxygen-ka xorriyadda bulshada iyo dimuqraadiyadda ayaa had iyo jeer la kulanta dhibaatooyinka kala duwan oo  deegaan iyo kuwo caalami ahba isugu jira, waxaana ugu daran meelaha ay colaaduhu ka aloosanyihiin ama keli talisnimadu ka jirto.

Warbaahinta oo hadafkeedu yahay inay saxdo bulshada qeybeheeda kala duwan, islamarkaana ay maamulka dalka ku hagto dawga sharciga ah iyo masuuliyadda loo igmaday ayaa gudashada waajibkeeda owgeed ugu bareerta halista walba oo ka imaan karta darafka  aan runta ama gudbinta xaqiiqda jecleyn.

Soomaaliya dal soo koraya oo aan shuruucdiisu adkayn, hannaankiisa maamulna weli si buuxda u hanaqaadin oo ay khilaafaad badani geedi socadkeeda dowladnimo ku gadaamanyihiin ay wariyaasha iyo warbaahinta u yihiin tooskii lagu arki lahaa dariiqa toosan, waxayna howsha adag oo ay hayaani mararka saxafiyiinta u soo jiidaa halis nafeed oo isugu jirta dil, dhaawac, xarig, iyo caga-juglayn.

Sidoo kale duruufo nololeed, tababar la’aan, iyo xogaha oo ay heliddooda dhinacyada qaarkood ku adkeeyaan ayaa ku hor gudban hannaanka shaqo ee warbaahinta madaxa-bannaan ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Dalalka hormaray waxay saxaafadda ku tilmaamaan muraayad ay madaxda iyo bulshaduba xumaantooda iyo wanaaggoodaba ka dhex arkaan, caddaaladdana ilays u ah,Soomaalidu’se fahamkaa togan kama haysaan.

Laba heesood oo midna lagula hadlay warbaahinta iyo warfiyeenka Soomaaliyeed, tan kalena lagu waaniyay dhinacyada kale ee saxaafadda dhibka u gaysta ayaa mala mudan in aan maqaalkan lagu gunaanado.

Waa tan koobaade waxaa la yiri”

 haddii aad wariye tahay

Warbaahinta waxaa la yiri

Waa waran la aflehe

Warkaad sheegayso hubi”

Tan labaad waa erayadii ay kamid ahaayeen”

 saxafigu xor weeyee

Maxaa loo xaqirayaa

Asagoon xumaan falin

Xabsi loogu gurayaa?.

Talo Bixin

Inkastoo aysan gaba-gabo  la’hayn tabashooyinka la xiriira xorriyatul qowlka haddana waxaa habboon qaadashada fikir isku mida oo lagu maamulo dadka ka aragtida duwan dowladda sida warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo xisbiyada intooda badan farta ku fiiqa dul-duleelka dowladda. Waxaa hubanti ah in haddii ay isku aragti  noqdaan dowladda iyo shacabku ay hirgeli doonaan hiigsiga xukuumada waddanka.