U bood dhigaalka

30 Garsoore oo Kusoo Baxay Imtixaan Furan oo 2000 Ka Qeybgashay oo Muqdisho Lgu Dhaariyay

Munaasibad lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxa si rasmi ah looggu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah.

Waxaa Garsooreyaashani ay si rasmi ah uga hawl-geli doonaan Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibaddii dhaarinta, ayaa halkaas hadalo duco iyo dardaaran ah kula wadaagay Garsooreyaasha.

Waxaa uu tilmaamay in loogga baahan yahay in mas’uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u cadaalad falaan dadka u soo cadaalad doonanaya Maxkamadaha.

Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu cadaalad falay ay ka rajenayaan in iyagu na ay cadaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.