U bood dhigaalka

Dowladda Britain oo Bilowday Musaafurinta Dadka Magangalyo Doonka, Kadib Sharcigii Soo Baxay

Sheeko:Caalamka

Dowladda Britain ayaa billowday howl-galo xiriir ah oo lagu xirxirayo muhaajiriinta si loogu diyaariyo in loo masaafiriyo dalka Rwanda, taasoo qeyb ka ah siyaasadda socdaalka ee Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak.

Xafiiska arrimaha gudaha ee UK ayaa soo saaray muuqaal muujinaya ciidamo hubaysan oo ka tirsan laanta socdaalka, kuwaas oo dad ka soo katiinadaynaya guryahooda, isla markaana ku guraya gawaarida masaafurinta

Bayaan ay soo saartay dowladdu ayaa lagu sheegay uu qorshaha masaafurinta oo dalkoo dhan si joogto ah ugu socan doono sagaalka ilaa 11ka toddobaad ee soo socda.

Wasiirka arrimaha gudaha James Cleverly ayaa sheegay in kooxaha fulintu ay si xawli ah uga shaqeynayaan sidii ay si degdeg ah ugu soo xir xiri lahaayeen kuwa aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalka.

bishii Abriil ee la soo dhaafay ayay baarlamaanka Britain ansixiyeen sharci muran badan dhaliyay oo loo bixiyay sharciga Badbaadada Ruwaanda, kaas oo oggolaanaya in magan-galyo doonka si sharci-darro ah ku yimaada Britain loo musaafuriyo Rwanda, ayadoo layska indho tirayo go’aan ay maxkamadda sare ee UK ku dhawaaqday oo qorshaha musaafirinta ka dhigayay mid sharci darro ah.

Ra’iisul wasaare Sunak oo la filayo in uu ku dhawaaqi doono doorasho degdeg dabayaaqada sanadkan, ayaa sheegay in siyaasadda socdaalka uu doonayo in ay dadka tahriibayaasha ah ka celiso in ay sharci darro ah ku soo galaan Ingiriiska, iyaga oo wata doomo yar ya.

ururada xuquuqul insaanka u dooda ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin mowjadaha dadka ah oo la raafayo,balse Xukuumadda oo aan arrintaa dheg jalaq u siin ayaa ku dhawaaqay in tirada ugu horreysa oo la musaafirin doonaahi ay gaareyso 5,700 oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo UK soo galay intii u dhaxaysay Janaayo 2022 iyo June 2023.