U bood dhigaalka

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Muqdisho loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Aadan Biit ayaa dilkiisa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarjajab gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Iskool buluusiya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa noo xaqiijiyay dilka Sarkaalkaan.

Kooxo hubaysan ay toogtay kadibna waxa la sheegay ay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay.

Aadan Biit ayaa si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu ka shaqeyn jiray.

Ciidanka Booliska iyo Nabadsugida ayaa howlgallo lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay ka wadda Xaafadda uu dilka ka dhacay.