U bood dhigaalka

Dad Lagu Laayay Qaraxyo Ka Dhacay Gongo, Xilli Dadka Lagu Dilay Caruur ay Ku Jiraan

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay qaraxyo mataano ah oo lagu weeraray laba xero oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kuwaa oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Qaraxyada ayaa lala beegsaday xeryaha Lac Vert iyo Mugunga, oo u dhow magaalada Goma ee xarunta gobolka Waqooyiga Kivu, sida lag sheegay warbixin uu soo saaray howl-galka QaramadaMidoobay ee Congo.

“Weerarrada oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof, ayay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waxayna noqon karaan dembi dagaal”, ayay tiri warbixinta ay soo saartay Qm.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan mid ka mid ah xerooyinkaas ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la laayay ay intooda badan hurdayeen teendhooyinkooda markii la weeraray, wuxuuna yiri”Waxaan bilownay orod markii bambooyinka lagu soo tuuray xerada,”.

Weerarrada qaraxyada ah ayaan ku badnaan jirin Congo, inkastoo ay colaado ragaadiyeen oo uu ku dhowaad 70 qalalaaso ku jiray dalkan nasiibka daran ee ku yaalla galbeedka dhexe ee Afrika.