U bood dhigaalka

Israa’iil oo lagu eedeeyay in Xabsi ay Ku Dhex Dishay Dhaqtar Falastiini ah oo Muddo Xirnaa

Sheeko:Caalamka

.

Dhaqtar Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Israa’iil kadib in ka badan afar bilood oo uu xirnaa, sida ay sheegeen ururada maxaabiista Falastiiniyiinta. Dr Adnan Al-Bursh, oo 50 jir ah, waxa uu ahaa madaxa lafaha cusbitaalka al-Shifa, kaas oo la xasuusto weerarkii ay ka geysteen diyaaradaha Israel.

Ma jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay dilkan, waxaana taliska xabsiga uu sheegay in baaritaan lagu hayo. Balse kooxaha u dooda maxaabiista Falastiin ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen khamiistii ku sheegay in dilka Dr Al-Bursh uu dhacay si kas ah,meydkiisana uu weli ku jiro gacanta Israel.

Dr Al-Bursh ayaa ahaa madaxa lafaha ee xarunta ugu weyn Gaza ee isbitaalka al-Shifa oo dhowr jeer ay weerareen ciidamada Israel, maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in dhaqtarka uu ahaa mid aad loo jeclaa, “waxaa uu u taagnaa caawinta falastiiniyiinta si daacadnimo leh” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka.

Waxa uu si ku meel gaar ah uga shaqaynayay cisbitaalka Al-Awada ee waqooyiga Gaza markii ay xireen ciidamada Israel, waxaana u uku jiray muddo dheer xabsiga isaga oo halkaas ku xanuunsaday, kadibna ay dileen ciidanka Israel, Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay oo war aan wanaagsanen maqalkiisa.

Francesca Albanese, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Daanta Galbeed iyo Gaza, ayaa sheegtay inay aad uga naxday warka ku saabsan dhimashada Dr Al-Bursh. Waxa ay ku baaqday in la qaado olole wax looga qabanaayo dhibaatada lagu haayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah