U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Shaaca Ka Qaaday Macluul Baahsan oo Ka Dilaacday Waqooyiga Marinka Qaza

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihi in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto macluul buuxda, kaddib muddo ka badan lix bil oo weerar dhan walba leh iyo xayiraad dhanka sahayda ah oo ay ciidanka Israil ku hayaan guud ahaan Marinka Gaza, taas oo keentay macluul baahsan oo jirta.

Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain, ayaa sheegtay dadka ku nool qeybta waqooyi ee Gaza ay galeen macluul, Wareysi ay siiyay warbaahinta NBC ee dalkan Mareykanka ayay McCain oo ah muwaadin Mareykan ah sheegtay, in xaaladda ka jirta waqooyiga ay tahay “argagax,”

Sarkaalka ayaa qiray in hadda xaaladda jirta ay tahay mid aa indhaha laga qarsan Karin, taas oo keentay in Qaramada Midoobay si aad ah uga hadasho dhibaatada ka dhalatay go’doonka ay ku jiraan “Waxaa jirta macluul— macluul buuxda ayaa ka jirta waqooyiga, waxayna hadda kusii socotaa xagga koofurta.”

Waxay sheegtay in xabbad joojin iyo kordhinta gargaar bani’aadannimo oo la marsiiyo badda iyo barriga ay muhiim u yihiin ka hor tag lagu sameeyo masiibo bani’aadannimo oo ku habsata in ka badan 2.3 milyan oo ruux oo ku nool, kuwaas ooh adda u baahan gargaar deg deg ah sida sarkaalku sheegay.

Dhanka kale, ururka Xamaas ee maamula Gaza ayaa rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay la saxiixdaan Israil, xilli ay Israil ku adkeysaneyso weerar ay ku qaado degmada Rafax, halkaas oo ah marinka kaliya oo hadda uu ka jiro ammaan, xilli mararka qaar ay ka dhacaan dagaallo iyo weerarro.

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in ay dhawaan ay wafdi u dirayaan dalka Masar si ay u dhameystiraan wadahadallada xabbad-joojinta ee dhawaanahanba socday, dowladaha  Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa hogaaminaya dhex dhexaadinta wadahadallada labada dhinac gadaalna ka riixaya.