U bood dhigaalka

Wiil uu Dhalay Allah u Naxariistee Majaajiliiste Ajakis oo Ka Warbixiyay Sababta Qabrigiisa Dib Loogu Faagay

Wiilka majaajilayste Cabdi muriidi dheere “Ajakis” ayaa in asagoo garoonka u socda uu arkay darbi lagu wareejiyay Qubuuraha uu ku aasanyahay Aabbihiis, ka dibna uu go’aansaday inuu meydka Aabbihiis halkaa kala boxo.

Wiilkan oo ay sheekadiisu saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada xoog u qabsatay ayaa booliska iti warbaahinta u faahfaahiyay sababta ay ku timid sheekada ku saabsan xabaasha Aabbihiis ee hadal-heynta dhalisay.

“Anigoo garoonka u socda ayaan arkay darbi lagu wareejiyay Qubuuraha, Maalinta ka dibna abbaayo sidoo kale aragtay illeen anagu Khamiis kasta qabriga Aabbe ayaan soo booqannaa oo qur’aan ku soo akhrinaaye, ka dibna waxay igu yiri meeshii darbi baa lagu wareejiyay, waxaana dhici karta in meydadka laga bixiyo, sidaa awgeed ayaan qoys ahaan go’aansannay inaan meydka Aabbe halkaa kala baxno” ayuu yiri asagoo saxaafadda u warramaya.

Booliska Soomaaliya ayaa dhankooda beeniyay in meydadka halkaa ku jira laga saarayo, wuxuuna Afhayeenkoodu sheegay in reer Ajakis ayagu iskood u go’aansadeen inay Aabbahood la baxaan, ayna xor u yihiin.

Sheekada qabriga Ajakis ayaa saacadihii la soo dhaafay soo shaac baxday, ka dib markii uu wiilkiisu ku dhawaaqay inuu meydka Aabbihiis qabriga kala baxayo, balse lama oga sababta ka dambaysa in darbi lagu wareejiyo xabaalaha Ku yaalla iskuul buluusiya.