U bood dhigaalka

Kenya oo Ka Walaacsan Musharraxnimada Raila Odinga iyo Soomaaliya oo Taageero Ka Heshay 30 Dal oo Afrika ah

Hogaamiyaha Isbaheysiga Kenya ee Raila Odinga ayaa dib u dhac weyn kala kulmay ololihii uu u galayay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), xilli ay tartan adag kula jirto wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomalaiya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, doorashada soo aadan ee dhowaan dahceysa.

Wararkii ugu dambeeyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), uu taageero u muujiyay in Soomaaliya ay Fawziya u sharaxdo xilka Guddoomiyaha AUC ee 2025-2028, iyagoo u ballanqaday in ay siidoonaan taageero mug leh Fowzia.

“Soomaaliya waxay ka mahadcelineysaa, ugana mahadcelineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad ​​30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u xusul-duubteen una ansixiyeen magacaabista Soomaaliya ee Fawziya Yusuf Adan “ ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Fiqi.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan haddii ay hesho taageerada 30-ka waddan ee ku jira Midowga Afrika, waxay ka horraysaa musharrixiinta kale tiro codad ah , marka loo eego in Midowga Afrika uu ka kooban yahay 55 waddan, taas oo Soomaaliya guul weyn ay kasoo hooyn karto doorashada kursigu guddoomiyaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna isla xilkaas u hanqal taagaya, maadaama uu u gaar yahay dalalka Bariga Afrika, laakiin waxaa siweyn loo hadal hayaa Fowziya iyo Raila Odinga oo ah labada musharax ee ugu miisaanka culus tartanka kursiga guddoomiyaha guddiga.

Sababta madaxda Kenya Kwanza aysan ugu faraxsanayn Raila Dhanka kale, dhaleeceynta lama filaanka ah ee Raila ee maamulka madaxweyne William Ruto ayaa soo jiidatay jawaabaha madaxda iyo kuwa kale ee taageerayaasha Isbaheysiga Kwanza dalka Kenya, kuwaas oo rajo aan wanaagsaneyn ka qaba Railahooda.

Qaar ka mid ah ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu dib u eego taageeridda ra’iisul wasaarihii hore ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, taas oo gogolxaar u noqon karta in Kenya ay soo bedelaan oo ay la yimaadaan siyaasi rug cadaa ah, maadaama feylasha Odinga ay yihiin kuwa baal mugdi ah ku jira.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u ayiday hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ODM ee Raila Odinga in uu noqdo gudoomiyaha gudiga midowga Afrika, Qareen Miguna Miguna ayaa walaac ka muujiyay u qalmida Raila ee jagada Guddiga Midowga Afrika, taas oo keentay walaac gudaha Kenya.