U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ambabaxay Dalka Kenya, Waa Maxay u Jeedka Safarkiisa Nairobi?

R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Dal.

Booqashada Ra’iisul Wasaare xamse ayaa qeyb ka ah shirar maalmihii la soo dhaafay magaalo madaxda dalkaas uga socday guddiyo ka kala socda laba dowladood, kuwaas oo looga dooday iskaashiga labada dhinac iyo ka wada shaqaynta nabadda iyo hormarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo waxaa la filayaa inuu ka qeyb-gali dooni Shirka Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (JCC) oo Guddi Wadajir ah oo labada dhinac ka kala tirsan 3-dii maalmood ee la soo dhaafay uga socday Nairobi.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaysa xilli todobaad ka hor madaxweyneyaasha laba dal ay ku kulmeen magaalooyinka Daarusalaam iyo Nairobi.

Xariirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo hagaagayay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2022, waxaana jira heshiisyo badan oo labada dhinac ay ku wada jiraan.