Akhriso: Shuruuc Diyaarsan oo Taageeraya in aan Dib loogu Noqon Teendhada
Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Cabdi Barre ayaa todobaadkan sheegay in doorashada qaran ee soo socota aan dib loogu noqon doonin teendhada, xukuumaddiisuna ay ka shaqeyneyso arrinkaasi.
Mudane Xamsa oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yiri ““Innaga ma qarineyno, been kama sheegeyno, runtaa sheegeynaa, waa ay noo cadahay, waan ku shaqeyneynaa, teendho dambe Soomaali la iskuma dooranayo”.
Hadalkan Ra’isul wasaaraha ayaa imaanaya iyada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay Soomaaliya ay ansixiyeen 4-ta cutub ee ugu horreysa Dastuurka KMG ah March 30, 2024-ka.
Haddaba waxaan halkan kusoo koobeynaa ilaa afar sharci, oo iminka diyaarsan, sugayana in la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka ah, wax bandanna ka tari doona ballanqaadka xukuumadda Soomaaliya ee la xiriirta doorashada.
Shuruucda;
- “ Dib u habaynta Sharciga Doorashooyinka dalka”
Sharcigan ayaa ka mid ah shuruucda dib loo eegayo, waxaa uuna qaabeynaa doorashooyinka qaranka, heerarka kala duwan ee ay yeelaneyso iyo qaabka codeynta oo markii ugu horreysay noqoneysa qof iyo cod, weliba saddex heer ah, iyada oo qofka uu dooranayo cidda ku mataleysa golaha deegaanka, dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka ah.
Arrimaha uu qaabeynayo sharciga waxaa ka mid ah; Muddeynta doorashooyinka, nidaamka codbixinta, shuruudaha musharaxiinta iyo codbixiyeyaasha iyo arrimo kale.
- “ Sharciga Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha”
Sharciga waa mid lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha oo ah labo guddi oo la isku daray, oo markii hore kala ahaa: Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxabbaan ee xuduudaha iyo Federaalka.
Guddiga xubnihiisa waxaa la dhigayaa ilaa 18 xubin, oo ka kala iman doona dowlad goboleedyada, Somaliland, Khaatumo iyo gobolka Banaadir.
- “ Dib u habaynta Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.”
Sharciga waa mid kale oo muhiim ah, waxaa isna ku jaan go’anyahay in dalku yeesho nidaamo xisbiyo badan.
Waxaa lagu wadaa inuu wax badan kusoo kordhin doono habka xisbiga mid qaran ku noqonayo, tirada xubnahiisa, shuruudaha iyo arrimo kale.
Waxaa xusid mudan in qodobbada dastuuriga ah ee Baarlamaanku anisiyey ay ku jiraan in dalku yeeshay saddex xisbi qaran, kuwaas oo ku tarrami doona kuraasta heerarka kala duwan ee goleyaasha deegaanka, kuwa dowlad goboleedyada iyo midda qaran.
- Sharciga Jinsiyadda, Aqoonsiga dadweynaha
Sharciga waa mid kale oo muhiim u ah doorashooyinka, waxaa uuna qeexayaa qofka muwaadinka ah, iyada oo marar badan muran uu ka jiro cidda u tartami karta ama qaban karta xil qaran.
Waxaa xusid mudan in sida hadda tahay lagu noqdo Soomaaliya “Dhiig”, oo qofka aabihii yahay Soomaali, meel kasta ha joogee uu noqonayo Soomaali, leeyahay xuquuq in la doorto ama wax doorto. Waxaa jirta soojeedinno xoog leh oo ku saabsan qofka Soomaaliya ma dhiig mise dhalasho,
Shuruucdan iyo qaar kale oo diyaarsan, la’aantoodna aaney doorasho dhici karin ayaa sugaya rabitaanka madaxda iyo in ay ku heshiiyaan in loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.