U bood dhigaalka

Maqaal Taxane ah: Xatooyadii Garoonka Diyaaradaha New York ( Qeybtii 1-aad)

Sheeko:Muuqaallo

8-deedii bishii diseembar sannadkii 1978-dii magaalada Newyork iyobguud ahaan dalweynaha maraykanka waxaa gilgishay dhacdo lama filaan ah oo aradkoo dhan hadal-hayn iyo hanfariir ka abuurtay.

Halkani waa gegida diyaaradaha ama ayraboorka magaalada newyork ee kanadi, shaqaalaha shirkadda rarta alaabaha xamuulka ah ee luftaansa waxay diyaarinayaan shixnad ballaaran oo la doonayo in hiirta hore la daabulo.

Luftaansa waxay shirkad aad aad u weyn balaayiin doolar soo xaraysa sanad walba, duulimaadyadeeduna waxay si joogto ah u tagaan qaaradda yurub iyo dunida kale dacaleedaba.

Waxaa suurtagal ah inay shaqadaa ballaarane caynkaas ah iyo dhaqaalahaa intaa la ege ay dhiirigelin karaan ama keeni kareen dhibaato.

Mid kamida shaqaalaha shirkadda oo lagu magacaabo luis wornar ayaa maleegay hadimo ama qorshe dhagar ah oo keenay isku dhex yaac iyo khasaare malaayiin doolar ah, taasoo shaqadii luftaansa dhaawac weyn gaarsiiyay.

Intaanu shirqoolka ama falka qiyaanada ah ku dhaqaaqin ayuu la xariiray saaxiibkiis ay shaqo wadaag ahaayeen oo lagu magacaabi jiray bitar rimor, wuxuuna ka hadlay qaabka ugu fudud oo ay shirkadda u dhici karaan, malaayiin doolarna uga lunsan lahaayeen.

Muddo sanado ah ayay qorshaynayeen sida ay hagar-daamadaa u fulin karaan, waxayna degsadeen jadwal iyo shax layaab leh oo muujinaya dhammaan hab-raacyada ay mari doonaan.
“Sida kaliya ee uu qorshohoodu ku guulayn karay wuxuu ahaa tuuganimo, waana sida ay sameeyeen wornar” ayuu yiri Khabiir dhanka daba-galka dembiyada ihi.

Waxay isku maan-dhaafeen waxa ugu horreeya oo samaynayaan, wayna kala dhaqaaqeen oo halkaa ayay saaxiibtinimadoodii ku dhammaatay, wornarna waxaa lagu yeeshay deymo faro badan, waxaana ku billowday handadaado uu ka kulmayay nin deyn ku lahaa oo lagu magacaabo martin krugmar.

Martin krugmar wuxuu goor habeen ah waqti ku qaadanayay maqaayad lagu magacaabo roobeerti, oo ku taalla gegida diyaaradaha banaankeeda oo ahayd goob inta badan qamaarka,maandooriyaha iyo waxyaabaha sharci darrada ah lagula dhuunto.

Sidoo kale maqaayaddu waxay xarun u ahayd koox burcad ah oo lagu magacaabo kooxda roobeerti” noloshoodu waxay ku dhisnayd yoolal ay goobtaa ku dejin rijeen, waxaan ula jeedaa howlo ama dambiyo ha ahaato dhac hub loo adeegsado, jirdil, kufsi iyo handadaad, faldambiyeedka kasta ku kale ayay u waydaaran jireen”. Ayuu yiri Khabiirka baaritaanka dembiyadu.

Wornar wuxuu ku baraarugay inay jirto kansho ama fursad uu martin deyntiisa ugu gudi karo, wada shaqaynina ay ku dhex mari karto.

Qorshaha boobka: martin krugmar qudhiisu wuxuu la tiicayay dhibaatooyin dhaqaale oo tiro beel ah, wuxuuna xubin ka ahaa koox ma naxayaal ah oo dhaca hantida meherad ka dhigtay, kuwaasoo had iyo jeer ka dalban jirey inuu si joogto ah lacag u bixiyo, wuxuuna maaminayay xeelad kasta oo uu ku faa’iidi karo.

Kooxaha burcadda aha ee magaalada niyoog qaarkood ayaa galaangal ku lahaa gegida diyaaradaha kanadi, Waxaana lama huraan ahayd in cid kastoo halkaa faldambiyeed la maagani ay ka dab qaadato, wornarna wuxuu uga baahnaa gacan siin iyo taageero aragtiyeed.

Martin oo si mug leh u cabsan qorshihii wornar ee ahaa airport-ka fal tuuganimo ama boob ah laga fuliyo ayaa la kulmay madixii kooxda oo ay xigto ahaayeen, lagu magacaabi jiray bowl fark, wuxuuna u sharraxay si ay wax u maleegeen, wuxuuna u sheegay in laga yaabo in hantida la boobi doonaahi ay malaayiin doolar gaarayso.

Bowl si buuxa ayuu u taageeray qorshaha, sidoo kalena wuxuu la wadaagay xubnihii kale ee kooxda, goor habeen ah ayayna falanqeynta iyo maaminta sida wax u dhici doonaan u fariisteen ayagoo tiro ahaan gaaraya ilaa 10 qof.

La soco qeybta xegta.

W/Q/ Abwaan Hareeri