U bood dhigaalka

Dambiilihii Mucjisada Ahaa ee Moscow Laga Holin Waayay, Wax Badan Ka Ogow Isaga

Sheeko:Muuqaallo

Jidadka magaalada moosko waa kuwa cariiri iyo saxmad badan tirada dadka iyo gaadiidka sii kordhaya ayaana Sabab u ah, balse waxaa jira goobo waaweyn oo loogu talo-galay in baabuurta la dhigto, bulshaduna ay ku nastaan.

Goobahaas waxaa kamida fagaaraha lagu magacaabo biisaabaarig oo kamida baarkinada iyo bar-siineedyada ugu caansan,uguna waaweyn caasimadda moosko.

Biisaabaarig waa meel aad u dhiraysan oo xir ah, geedo dhaadheer oo wada doog ah Ayaana ku yaal, wuxuuna dhacaa dhinaca koofureed ee magaalada.

Dadka ayaa nasiino iyo damaashaad u Taga xilliyada aanay howlaha ku foognayn ama ay faro taagtaaga maalinlaha ah ama shaqada ka gacan banaanyihiin, sidoo madaxda iyo martida dalkaa booqda ayaa indha doogsi ahaan u aada.

Waa goob sida baararka loogu caweeyo, qamrigana lagu cabo oo baashaal iyo bajiino loo sameeyay, neecow iyo nasiinona loo aado.

Maalin maalmaha kamida taariikhduna ay ahayd 15-ka Bishii 10-aad sanadkii 2005 waxay boolisku goobtaa ka dhex heleen meydka haweenay 31 jir ah oo lagu magacaabo likulay foorbiya.

waxaa Iska caddayd in la dilay,balse dhaawac ama nabar ihi oogadeeda kama aanay muuqan markii meydkeeda La arkay, dhalo ama quraarad qamri ah ayaana madexeeda agtiil, kiiskeeduna wax raad baaritaan ah Ma aanu yeelan oo ciddii dishay iyo qaabka loo dilay midna waa la garan waayay.

Bil ka dib waxaa isla goobtii laga helay meydka nin 63 jir ah, todobaad ka dib meyd kale ayaa is la goobtii lagu arkay.

Argagaxii ayaa kordhay cidda dadka laynaysana waa la garan waayay, Laba bilood gudohoodna waxay tirada meydadka goobtaa laga halay gaartay 7 qof.

Midda la yaabka leh ayaa ah in dhammaan dadkaas loo dilay qaab isku mid ah,mid walbana dhalo ama quraarad qamri ah madaxa agtiisa loo dhigay.

Walwalka iyo cabsida dadka caasimadda ayaa kordhay, fagaarihii damaashaadka iyo nasiinada loo soo aadi jirayna wuxuu noqday mid agtiisa ka fogaado oo bahlo galeen ah..

Boolisku wax alliyo waxay sameeyaan aay garan waayeen, hadal-haynta bulshaduna waxay ahayd dilalkii ayaa silsilad noqday gacan ku dhiigleyaashana in la soo qabto iskaba daaye xittaa lama yaqaan.

Dilaaga dhiigyada cabka ah ee aan la garanayn jinni iyo insi cidda uu yahay dadkana tarab tarabta u laynaya, waxaa loo bixiyay bahalkii biisaabaarig oo waxa uu noqday mid carruurta lagu cabsiiyo, lagana acuudu bilaysto.

Booliiska iyo baareyaasha kiiska ku howlanaa waxay isku dayeen inay raacaan raad walba oo suurt-gal ah oo xitaa dhoola-caddayn muujinaysa inuu qofku dhagar Maaganyahay ayay raadiyeen,balse waxba ma aanay helin.

Dhaqaatiir biology ama dna-da oo kiiska baaray ayaa dhankooda Sheegay inay ogaadeen hubka ama qalabka loo adeegsaday dilka dadka la laayay, waxayna sheegeen inay burus ama dubbe loo adeegsaday.

Todobaadyo gudohood waxaa goobtii lagu soo daadiyay boqolaal kamida ciidanka booliska iyo kuwa sirdoonka si ay dhaqaaqa goobta iyo cidda galaysa ula socdaan.

Meel kasta askarta ayaa taagan balse dilsku weli way socdaan dilaagana wax xog ah lagama hayo, taasina waxay jahwareer iyo niyad-jab ku riday qaar kamida ciiidan,waxayna aamineen inaanay suur-gal ahayn in dambiilaha la qabto ama xittaa la aqoonsado.

Magaalada mooskow oo ay malaayiini ku noolyihiin ayaa laga dhex raadinayaa Hal qof oo aan muuqaal ahaan dadka ka duwanayn, Astaan gaar ahna lahayn taasi waxay la mid tahay adigoo lagu yiri Hal tin badda ka soo dhex qabo.

Xaaladdu way sii cakirantahay oo cabsidii ayaa korartay, balse midda la yaabka leh ayaa ahayd in dhibaneyaashu ay dhammaantood rag ahaayeen ama u badnaayeen, waxa lagu beegsadayna aan la garanayn..

Muddo dhaadheer ayaa la hadal Hayay gacanku dhiiglaha iyo xogo aan sugnayn oo la xariira, waxaana hadal-hayntaas kamid ahayd inuu dilaaga yahay qof dhimirka ka xanuun ama xaalad nafsaani ah ku jira oo lagu hayo cilaaj goobta u dhaw, si uu ugu nafisona meesha loo keeno.

Aragtida caynkaas ihi booliska maan-gal ayay la noqatay, maxaa yeelay waxay rumaysnaayeen in haddii dambiiluhu uu qof caadi ah yaha mar hore la soo qaban lahaa ama la aqoonsan lahaa.

Baaritaan buuxa ayay ku sameeyeen goobtii cilaajka ahayd iyo qof walba oo ay ka shakisanaayeen balse waxba ma aanay helin.

Maalin maalmaha kamida laba askari oo goobta dhex marayay ayaa arkay qof dumarka u eg oo ordaya, labiskiisa iyo muuqaalkiisuna ay argagax leeyihiin oo si u basaasan, Una qaab daran.

Askartii way ka daba ordeen oo cagta ayay cagta u saareen, ka dibna way soo qabteen, baaritaan ay ku sameeyeenna waxay ku ogaadeen inuu rag yahay, jeebkana uu burus ama dubbe ku wato.

Ayagoo faraxsan oo isleh gacan ku dhiiglihii ayaad haysaan bay dhinaca sal-dhigga ula jiciirteen,balse weydiimihii oobiga ayuu ku sheegay inaanu dambiile ahayn ee uu yahay qof dad kale abuur ahaan ka duwan, buruskana uu u Sito inuu isku daafaco maadaama uu ka baqayo inuu muuqaalkiisa dartiis loo beegsado.

Booliiskii iyo bulshadiiyoo dhami ma aanay rumaysan hadalkiisa, waxaana boqolkiiba boqol la aaminay gacanku dhiiglihii yahay, balse baaritaan la sameeyay wax caddayna oo tuhun ka baxsan waa lagu waayay.

Intuu uu xabsiga ku jiray ayaa waxaa goobtii laga helay meydka haweenay 25 jir oo goob ganacsi ka shaqaynasay, ka dib meydka kale iyo mid 3-aad laga helay goobtii waqti yar gudihiis, dilalkii dhacay intuu xirnaana 12 ayay gaareen taasoo booliska u caddaysay inaanu maskiinkan xirani gacan ku dhiiglihii ahayn.

Arrinta kale ee booliska jahwareerka ku riday ayaa ah inuu moogaan dilaagaa dumarka si gaar ah u beegsanayo, oo meydadka la helay ay intooda badani haween yihiin.

Boolisku waxay goobtii ku xirteen kaamiradaha qarsoon si ay ula socdaan dhaqdhaqaada aagaas iyo cidda dadka laynaysa.

Bishii January sanadkii 2006 waxay boolisku heleen meydka haweenay 36 jir ah oo lagu magacaabo maariyaana masakalasoofa oo ka shaqaynaysay goob ganacsi.

Laba maalin ka dib wiiil ay dhashay maariyaana ayaa booliska u sheegay in hooyadii markii ugu war dambaysay ay la socatay nin lagu magacaabo saashaa.

Baaritaan dheeraada oo la sameeyay ayaa lagu soo helay magaciisa oo dhammaystiran iyo numberkiisa is gaarsiineed, wuxuuna magiciisu ahaa Aliskaandar bilishooshki…

Sidoo muuqaal ay kaamirada qarsooni duubeen oo muujinaya aliskaandar oo ay maariyaaana la socato, burus ama dubbena gacanta ku wata ayay boolisku heleen.

16-kii bishii janaayo sanadkii 2006 waxaa gacanta lagu soo dhigay aliskaandar bilishooshki, balse wuu dafiray inuu wax dambi ah ku lugleeyay, boolisku’se waxay inuu gacan ku dhiigle yahay u cuskadeen muuqaal ay kaamirada qarsooni duubeen iyo warqad laga helay jeebka maariyaana.

Baaritaan dheer ka dib wuxuu qirtay inuu ka dambeeyay dilka maariyaana oo uu sheegay inuu ka dhexeeyay muran xagga shaqada ihi..

Maalmo ka dibna wuxuu dabool ka qaaday inuu ka dambeeyay dhammaan dilalkii goobtaa ka dhacay oo tirodoodu ahayd 61.

Wuxuu sheegay inuu dadka u laynayay si uu adduunka dhibkiisa uga diro ee aanu xaasidnima u dilayn, wuxuuna booliiska tusay Sidii uu wax u khaarajin jiray.

Boolisku waxay baaritaankooda ku ogaadeen inuu dilay  52 ruux, balse asagu wuxuu ku dooday inay tiradu intaa ka badan tahay oo 61 qof kur ka karay.

Caafimaadkiisa iyo dhimirkiisa ayaa laga shakiyay balse baaritaan ka dib waxay dhaqaatiirku sheegeen inaanu waxba qabin.

29 oktoobar sanadkii 2007 waxaa Aleksandar lagu xukumay xabsi daaim.