U bood dhigaalka

Muqdisho oo Lagu Qabtay Bandhig Buug Aan Hore Loogu Arag Nuuciisa “Haystaha-Qatan”

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu qabtay bandhig buug oo xiiso iyo Xamaasad gaar ah leh, islamarkaana kulmiyay madax, qareenno, qoraayaal, iyo dad caan ah oo bulshada dhexdeeda caan ka ah.

Buuggan oo magaciisu yahay “Haystaha-Qatan” oo uu qoray Abuukaate dhoorre ayaa masuuliyiintii bandhiggiisa ka qeyb-galay waxay ku dheeraadeen muhiimaddiisa iyo nuxurka uu xambaarsanyahay.

Qoraaga buugga garyaqaan Maxamed Cabdi Maxamuud oo ugu horay munaasabadda ka qeyb-galay ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhda dhiganaha, iyo sababtii keentay inuu qoro, wuxuuna tilmaamay in buugga uu si qoto-dheer uga hadlayo kheyraadka fara badan ee dalka ceegaaga iyo saboolnimada dadkiisa daashatay.

Martidii munaasabadda buugga ka qeyb-galay ayaa ayaguna ka hadlay waxyaabaha uu xambaarsanyahay, iyo kheyraadka baaxadda leh ee dhulkeena ka buuxa.

Bandhigga buugaagta ayaa muddooyinkaan dambe Muqdisho ku soo badanaya, ayadoo uu muuqdo baraarug weyn oo ku saabsan Akhriska iyo qoraalka.