U bood dhigaalka

Qatar oo Cambaareysay Duulaanka Rafah ee Israel, Kuna Baaqday Faragelinta Caalami ah

Sheeko:Caalamka

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa ku boorisay beesha caalamka in ay ka hortagaan weerarka Israa’iil ay ku hayso Rafah, halkaas uu ka bilowday duulaan ay qaaday Israel sida ay wararku sheegayaan.

Wasaaraddu waxay soo saartay bayaan ay kaga digayso in Israa’iil ay si qasab ah uga barakiciso rayidka Rafah ay ka dhigan tahay xad-gudub ba’an oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in xaaladda ay uga sii dari doontaa dhibaatada bini’aadantinimo ee hadda ka jirta ka dhalatay go’doominta ay sameeyeen ciidanka Israa’iil.

“Dawladda Qatar waxay si adag u cambaaraynaysaa duqeymaha ciidamada Israa’iil ay ku hayaan gobolka Rafah, duulaanka ay ku qaadeen marinka dhulka iyo hanjabaad ay ku barakiciyeen muwaadiniinta hoyga iyo xarumaha guryaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qatar waxay sidoo kale ku baaqeysaa “tallaabo caalami ah oo degdeg ah” si looga hortago duulaanka magaalada Rafah.

Qatar ayaa dhex dhexaadiye muhiim ah ka noqotay wadahadalada xabad joojinta ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.

Axadii, ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay Al Jazeera Carabi in Qatar aysan aqbali doonin inay noqoto aalad cadaadis lagu saaro dadaallada dhexdhexaadinta. Waxa ay intaa ku dareen in dhinacyo gaar ah ay ka shaqeeyeen in ay dhaleeceeyaan oo ay weeraraan iyaga oo isku dayaya in ay carqaladeeyaan shaqada Qatar oo ah dhexdhexaadiye daacad ah.