U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, wuxuuna kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda ay waddo ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka dalka ka dhacaahi saameeyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Dhankooda, Ganacsatada ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay Xukuumaddu gaartay muddadii ay dalka hoggaaminaysay.

Dalka Kenya ayaa kamida meelaha ay Soomaalidu ganacsiyada ugu badan ku leeyihiin, ayagoo halkaa ku leh dhaqaalo xoog leh iyo hanti ma guuraan ah.