U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaarihii Hore ee Dalka Fiji oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Caalamka

Frank Bainimarama oo ahaa ra’iisul wasaaraha ee dalka Fiji, kaas oo muddo 15 sano ah xukunka hayay ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay danbi ah inuu awooddiisa u adeegsaday inuu joojiyo baaritaan musuqmaasuq oo lagu sameynayay jaamacad caan ah.

70-jirkan ayaa sanadkii 2006-dii xukunka dalka afgambi militari kula wareegay, wuxuuna ka talinayay ilaa 2022-kii oo uu doorasho kaga guulaystay Ra’iisul wasaare hadda Sitiveni Rabuka.

Banaanka maxkamada Suva ayaa waxaa isugu soo baxay dad badan oo taageersan xukunka lagu riday mr Frank Bainimarama, oo ay ku eedeeyeen ku xad-gudub sharci.

Bainimarama ayaa horaantii bishan lagu helay danbi ah in uu khalkhal galiyay nidaamka cadaaladda isagoo u sheegay madixii booliiska ee xilligiisii iyo saaxiibkiis muddada dheer Sitiveni Qiliho in uusan baarin eedeymaha musuq maasuqa ee jaamacada South Pacific.

Qiliho ayaa asna laba sano u xirnaa kiiskan, kaas oo lagu ogaaday baaritaan ay boolisku bishii July 2020 ku sameeyeen musuq-maasuq lagu eedeeyay shabakad uu ku jiro lacago badan lunsatay, sidoo kalena dallacaad iyo mushahar kordhin u sameeyay shaqsiyaad aan mudnayn.

Maxkamada ayaa ku heshay in labada nin ay awoodooda u adeegsadeen in ay dhinac mariyaan islamarkaana is hortaagaan baaritaanka musuqmaasuq.