U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya oo Booqasho Ku Tagaya Mareykanka, Xilli Biden Walwal Ka Muujinayo Saameynta Ruushka ee Afrika

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u diyaar garoobaya booqasho taariikhi ah oo uu dabayaaqada bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kadib martiqaad uu ka helay Mareykanka, booqashadiisa ayaa ku qotonta sidii Mareykanka uu xoojin lahaa xiriirkiisa uu la leeyahay dalalka Afrika oo sii xuubsiibanaya.

Booqashadan ‘’Rasmiga ah” ayaa noqonaysa Martiqaadkii rasmiga ahaa ee ugu horeeyay ee dowladda u u fidiyo hogaamiye Afrikaan ah muddo ka badan 15 sano, Mareykanka ayaa arrintaan waxaa uu uga gol leeyahay sidii uu siyaasadiisa uga hortagi lahaa inuu saameyn ku sheesho Ruushka oo Afrika soo degay.

Martiqaadkan Rasmiga ah ayaa qayb ka ah siyaasadda Maraykanka u dib ugu qaabaynayo xidhiidhka uu la wadaago dalalka Afrika, ka dib markii uu Ruushku isku balaadhiyay galbeedka Afrika saameynta uu ku leeyahay  oo cabsi laga qabo inuu ku yeesho dalalka Bariga iyo Waqooyiga oo Mareykanka saaxiib la ah.

Dowladda Mareykanka ayaa gabi’ahaan ciidankeeda kala baxday dalalka Galbeedka Afrika, gaar ahaan Niger, Burkino Faso iyo Mali, xilli cabsi badan ay ka taagan tahay dalalka Senegal iyo Nigeria, kuwaas oo wada qorshe lagu xirayo saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalalkaasi dhaca Galbeedka Qaaradda.

Booqashada Madaxweynaha Kenya ayaa la filayaa in wax badan ay kusoo kordhiso Afrika, Madaxweyne Biden ayaa doonaya inuu ilaaliyo xiriirka dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo lagu tuhmayo kheyraad badan, Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah dalalka sida weyn loo  raadinayo soo saarista kheyraadkooda di’han.