U bood dhigaalka

Maxay Soomaaliya Xiritaanka Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay oo Muddo Dalka Kasoo Howlgalayay?

Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqada todobaadkii la soo dhaafay golaha ammaanka ka codsatay in la xiro xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo muddo dheer dalka ka howl-galayay, xafiiskaan ayaa ka shaqeynayay arrimo dhowr ah oo siyaasadda iyo arrimaha bulshada ku jiraan.

Tillaabadan ay dowladda Soomaaliya qaadday ayaa dhalisay hadal-hayn badan, balse khubarada ayaa aamisan in xiritaanka xaafiiskan ay dowladdu u aragto fursad ay ku xakameyn karto arrimaheeda gudaha, iyadoo aan wax faragelin dibadeed ah ama dhexdhaadiyaal shisheeye ah u baahan.

Howl-wadeenada xaafiiskan ayaa si buuxda gacmaha ugula jira arrimaha gudaha ee dalka, ayagoo kaalin weyn ku leh go’aanada kama dabaysta ah ee laga qaadanayo, waxayna si maalinle ah uga falceliyaan tallaabo kasta oo ay dowladdu qaaddo.

Xeeldheereyaaasha ayaa aaminsan in in haddii xaafiiska meesha laga saaro ay Soomaaliya helayso Madax-bannaani siyaasadeed oo ay ku maareyso dhammaan arrimaheeda gudaha, islamarkaana ay ka baxayso saameyn toos ah ee Qaramada Midoobay ah.

Sidoo kale dowladda ayaa helaysa fursadda ay ku maareyso amniga Qaranka, arrimaha doorashooyinka, fedaraalaynta dalka, iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda, waxaana meesha ka baxaysa gac-gacmayntii shisheeyaha ee ay arrimo badani u xayirnaan jireen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ayaa hadal uu masaajidka madaxtooyada ka jeediyay ku sheegay inay Soomaaliya isku filantahay oo aysan u baahnayn taageero iyo kaalmo caalami ah, islamarkaana ay doorashada socota iyo dhammaystirka dastuurkaba ayagu maamulanayso.

Si kastaba ha ahaatee tillaabadan ayaa dalka uga dhigan hormarka laga gaaray dhinaca madax-bannaanida maamul iyo isku filnaanta maareynta umuuraha gudaha, balse waxaa suurta-gal ah inay hoos u dhacdo taageerada dhaqaale oo ay Soomaaliya ka hesho Qaramada Midoobay.