U bood dhigaalka

Mareykanka oo Burburiyay Diyaarado ay Leeyihiin Xuuthiyiinta Yemen

Ciidamada Mareykanka ayaa burburiyay saddex diyaaradood oo Xuuthiyiinta ay leeyihiin oo dul heehaabayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadoodu ay burburiyeen saddex diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo Xuuthiyiintu ay ku soo rideen badda cas.

Weerarkan oo ay geysteen fallaagada Yemen aysan wax khasaare ah iyo dhaawac toona geysan.

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu “si guul leh u hawlgaleen” diyaarad kale oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu ay ka bilaabeen Gacanka Cadmeed Jimcihii.

Diyaaradahaan aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegay inay soo rideen xilli taliyaha CENTCOM, Michael Erik Krill, uu u safray Sacuudi Carabiya si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha militariga dalkaas si uu ugala hadlo dagaalka Israa’iil ee Gaza iyo sidoo kale weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Badda Cas.