U bood dhigaalka

Masar oo Sheegtay Iney Qaadeyso Tallaabo Ka Dhan ah Weerarka Israel ee Marinka Qaza

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu biiri doonto dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil ee ka dhanka ah xasuuqa ay ka waddo marinka Qaza, weerarka marinka Rafax ee xuduudda Masar oo maalmo ka socdaan weerarro.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayay ku sheegtay in tallaabadan ay timid iyadoo ay sii kordhayso xadgudubyada Israa’iil ay ku hayso rayidka Falastiin iyo xaaaladda sii xumaanaysa ee dadka reer Qaza, ayadoo ay Israa’iilna sii waddo duqeymo arxan la’aan ah iyo gumaad maalinle ah.

Masar waxa ay sheegtay in ay ugu baaqayso Israa’iil in ay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah, ayna fuliso tallaabooyinka ku meel gaarka ah ee ay soo saartay maxkamadda ICJ, kuwaas oo loo baahanyahay in lagu xaqiijiyo helitaanka gargaar bini’aadantinimo oo la gaarsiiyo Marinka Qaza.

sidoo kale waxay ciidamada Israa’iil uga digtay in aysan geysan wax xadgudub ah oo ka dhan ah dadka reer Falastiin, kuwaas dembiyo dagaal iyo xusuuq bini’aadantinimo noqan kara.

Bayaankan ay soo saartay Masar ayaa daba socda baaq ay hore ugu jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dhinacyada caalamiga ah oo ahaa inay si degdeg ah u qaadaan tallaabo lagu gaarayo xabbad-joojin ka dhacda marinka Gaza iyo in la joojiyo hawlgallada militari ee Rafah, iyo sidoo kale in la dammaanad qaado ilaalinta lagama maarmaanka ah ee rayidka Falastiin.

Warkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo dowladda koofur Afrika ay maxkamadda caddaaladda adduunka u gudbisay dacwad ka dhan maamulka Israa’iil, sidoo kalena maxweynaha dalkaa Cyril Ramaphosa uu beesha caalamka ugu baaqay inaysan indhaha ka qarsin dhibaatada lagu hayo Falastiiniyiinta.