U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan La Yeeshay Hey’adda UN- Habitate Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guriyeenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cali Dhaay oo ay wehlineyso Agaasimaha waaxda iibka iyo maamulka Qandaraasyada Ayaan Cali Aaden ayaa kulan la qaatay Madaxa UN-Habitat ee Soomaaliya Sebastian May iyo kuxigeenkiisa Muxyadiin Maxamuud.

Kulankaan waxaa looga hadlay in dhammaan Mashaariicda ay isla wadaan UN-Habitat iyo Wasaaradda Howlaha Guud XFS ay u fulaan sidii loogu talagalay, sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guriyeenta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta hay’ada UN-Habitat iyo Wasaaradda, waxa uuna boogaadiyey dardar galinta shaqooyinka hormarineed ee socda.