U bood dhigaalka

Magaalada Jigjiga oo Laga Hirgeliyay WarshadFarsamaysa Gaadiidka

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa daahfuray warshad lagu magacaabo Suways Motors oo soo saaridoonta noocyada kala duwan ee baabuurta, taasoo maalintii soo saari doonta 5 gaari sida qorshuhu yahay.

Warshadan ayaa waxaa maalgaliyey muwaadiniin u dhashay Deegaanka Soomaalida, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 250 milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah, una dhiganta 4.35 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in daahfurka warshadani ay ka marag kacayso isbaddalka ballaaran ee deegaanku ku talaabday sanadihii lasoo dhaafay.