U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Qorsheynaysa in Maalin Caali ah Laga Dhigo Xasuuqii 1995 kii ee Srebrenica ee Bosnia.

Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaysa inay soo saarto qaraar ku aaddan in 11-ka July ay noqoto maalin caalami ah oo lagu xuso xasuuqii 1995-tii ka dhacay magaalada Srebrenica ee Bosnia.

Dood arrintaa ku saabsan ayaa la filayaa in golaha Qaramada Midoobay yeesho maalinta arbacada, balse waxay mucaaradad xooggan kala kulmayaan hoggaamiyeyaasha Serbiyiinta, iyadoo madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic uu sheegay inuu dagaalami doono illaa daqiiqadda ugu dambeysa.

Cod-bixinta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ayaa dib loo dhigay, sida uu sheegay Zlatko Lagumdzija oo ah wakiilka joogtada ah ee Bosnia iyo Herzegovina ee Qaramada Midoobay ka dib dadaallo olole oo uu sameeyay madaxweynaha Serbia Vucic oo ka dhan ah in qadiyaddaa la meel mariyo.

Hindisahan oo ay soo jeediyeen Jarmalka iyo Rwanda ayaa waxaa iska kaashaday in ka badan 12 wadan oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska, Holland, Waqooyiga Macedonia, Chile, Ireland iyo kuwo kale.

Sannadkii 2004-tii Maxkamaddii Caalamiga ahayd ee Dambiyada Yugoslavia hore (ICTY) ayaa xukuntay in dembiyadii ka dhacay Srebrenica bishii Luulyo 1995 ee ay geysteen ciidamada Serbiyiintu ay ka dhigan yihiin xasuuq.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa ayana go’aankaas taageertay sannadkii 2007-dii, waxayna si aan shaki ku jirin u xaqiijisay in dilka 7,000 ilaa 8,000 oo maxaabiis Muslimiin Bosnia ahi uu ahaa xasuuq.

Qaramada Midoobay ayaa horay u astaysay maalmo gaar ah oo lagu xusayo xasuuqyo hore oo dunida ka dhacay sida xasuuqii Rwanda ee 2004-tii iyo kii Holocaust ee uu Hitler yuhuudda ku gumaaday