U bood dhigaalka

Akhriso: Isballada Amni ee Muqdisho Labadii Sano ee Ugu Horreysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:War

Caasimada Soomaaliya ayaa ku jirta jawi xasilloon ka dib markii labadii sano ee lasoo dhaafay ee uu xukunka joogay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo  la kordhiyay tayada iyo  tirada  ciidamada sida gaarka ah loogu carbiyay sugitaanka Amniga caasimadda  ee Muqdisho.

Waxaa aad hoos u dhacay dilalkii qorsheysanaa ee badi ka dhici jiray Muqdisho, waxaa la qaaday inta badan dhagaxaantii taallay wadooyinka qaarkood, waxaa yaraaday gawaaridii qaraxyada siday ee kasoo gudbi jiray Kontoroollada ee dhibaatada u geysan jiray shacabka Soomalaiyeed.

Labadii ee lasoo dhaafay waxaa si weyn loo kordhiyay la xisaabtanka laamaha amniga, iyadoo taasi keentay in dhinacyada loo xil saaray amniga caasimadda ay la yimaadeen howl shaqo oo isku xiran, taas waxaa ay keentay in hoos u dhacaan falalkii amni darro ee joogto u dhici jiray.

Hadal heynta ugu badan ee Shacabka waa isbedelka amniga ee Muqdisho ay ka sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay kordheen isku xirnaanta laamaha amniga iyo shacabka degmooyinka gobolka Benaadir o oleh wadashaqeyn buuxda.

Ciyaal Weero

Habeenkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa degmooyinka Muqdisho qaarkood looga barakacayay Kooxo lagu magacaabo Ciyaal Weero kuwaasoo  dadka shacabka ah u geysan jiray dilal, dhac, iyo ciqaab ay degsadeen oo ay dadka marsiin jireen marka ay qabtaan.

Dadka ayaa guryaha ku xaroon jiray haddii laga baxo saaladda Maqrib taasoo hoos u dhigtay nolosha dadka degmooyinkaasi kunool, degmooyinka qaarkood majirin in salaadda subax masjid loo bixi karay ama habeen la lugeyn jiray gudaha degmooyinka oo looga maaro waayay falalkaasi.

Maanta degmooyinkii ugu darnaa ee Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hilwaa oo ahaa meelaha ugu badan ee Ciyaal weerada waxa ay kamid yihiin meelaha ugu amniga badan Caasimadda. Xilliyada habeenkii ah waxaa lagu gaaro ilaa Salaadda subax ganacsiyada qaarkood waa kuwa iska furan.

Dowladda ayaa si adag uga howlgashay Waxaa gacanta lagu dhigay horgoogayaashii kooxahaasi, iyadoo sidoo kalena dowladda ay dhaqan celin u sameysay dhalinyaradii la qabsatay iyagoo ku jiray dhibaatadaasi, qaarkood ayaa wareysiyo ku sheegay in ay gabi’ahaan iska daayeen falkaasi.

Boolis Milataari.

Boolis Milataari waa ciidan cusub oo la dhisay labadii sano ee uu joogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa lagu soo tababaray dalka Uganda,  Ciidan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa Saddex kun oo askari oo mid ka mid ah ciidamada sida weyn ay ugu mahadcelinayaan shacabka caasimadda.

Ciidankaan ayaa lagu ammaanay aqlaaqdooda sareysa, in ay la yimaadeen qorshe aysan dhibaato ku dareemin shacabka, waxaana ay u howlgalaan si ka duwan ciidamada kale iyagoo kaashanaya kuwa nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo qeyb ka ah xasilinta amniga Muqdisho.

Ciidankan ayaa hadda ka howlgalla daafaha laga soo galo ciidamada oo ay ka ilaaliyaan amniga balse bilowgii hore waxa ay ka howlgali jireen gudaha caasimadda, iyagoo ku guuleystay in ay kasbadaan wada shaqeynta shacabka caasimadda, taas oo sare u qaaday amni saldhigay.

Ilaalada Shacabka

 Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud labadii sano ee ay joogtay waxa ay sare u qaaday ciidanka Muuqda iyo kuwa aan muuqan ee ka qeybta ka ah sugitaanka Amniga caasimadda.

Kordhinta tirada ciidanka Nabad sugida ee loo yaqaano ilaalada shacabka ayaa ka mid ah waxyaabaha wiiqay dilalkii Muqdisho ay ka geysan jireen Kooxda Al Shabaab. Waxaa yaraaday in ay baxsadaan kooxaha dilalka geysta, iyadoo Maxkamaddaha kasoo muuqdaan kooxo ay soo qabteen ciidanka.

Ilaalada shacabka oo u badan dhalinyaro ka baxday Jaamacado iyo dugsi sare  ayaa fidsan dhammaan degmooyinka caasimadda. Ma jirto ciidankaan dhibaato amni oo ay shacabka kasoo sheegtaan maadaama sare loo qaaday la xisaabtankooda.

Burcadda iyo Booliska

Waxaa xaqiiq ah in labadii sano ee lasoo dhaafay bogaga hore ee warbaahinta ay qabsadeen Warka soo qabashada kooxaha burcadda ah ee dhibaatada u geysta Shacabka caasimadda.

Ciidanka booliska ayaa si xoog leh uga howlgalay gacan ku dhigista kooxaha Burcadda ah, waxaana yaraaday dambiyada dhaca ku saleysan ka dhici jiray Muqdisho.

Shacabka Muqdisho oo la qabsaday shaqada hay,addaha amniga ayaa isla markii ay wax dhaceen la xariira saldhigyada ugu dhow taasoo keentay in booliska oo sida ugu dhaqsiyaha badan  ay gacanta ugu soo dhigaan.

In laga guuleysto kooxaha burcadda hubeysan waxaa ka dhashay in ganacsiyada caasimadda ay furnaadaan xilliyada dambe ee habeenkii.

Caasimadda habeen iyo Maalin

Muqdisho hadda waa magaalo la shaqeeyo habeen iyo maalin. Isbedelka amni ee ka jira Muqdisho ayaa sabab u noqday in xilliyada dembe ee habeenkii ah ay furnaadaan ganacsiyada waaweyn ee caasimadda Soomaaliya. Waxaa kordhay dhalinyaradii fursadaha galinka dambe ee habeenkii ka helaya goobaha shaqada.

Xilli walba haddii aad tagto degmooyinka Muqdisho habeenkii waxaad ka heleysaa Carwo, Farmashi iyo Maqaayado furan. Ganacsatada qaarkood ayaa kuu sheegaya in isbedelka amniga uu kordhiyay daqligii soo gali jiray.