U bood dhigaalka

Dibaxyo Rabshado Wata Ka Dilaacay Faransiiska iyo Booliiska oo Soo Rogay Xaalad Deg deg ah

Faransiiska ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo uu ku soo rogayo jasiiradda Pacific-ga ee New Caledonia, waxayna dowladdu halkaa geysay booliis iyo ciidamo xoojin ah si ay isugu dayaan in ay soo afjaraan maalmo rabshado ah oo ka dhashay qorshe ay Paris waddo oo lagu beddelayo xeerarka lagu maamulayo doorashooyinka gobolkaas.

Saddex qof oo u dhashay Kanak iyo sarkaal booliis ah ayaa lagu dilay rabshado dhacay habeenimadii isniinta oo maalmo xariir ah socday in kasta oo habeenkii xalay ahaa halkaa lagu soo rogay bandow.

Xaaladda degdegga ah ayaa dhaqan gashay 5-tii subaxnimo ee Khamiista, waxayna maamulka siinaysaa awood ballaaran oo u suurtagalinaysa inay gacan bir ah ku maareeyaan rabshada halkaa ka socda.

Guddiga sare oo matala gobolka New Caledonia ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in shan qof la dhigay xabsi guri iyagoo lagu eedeeyay in ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan kacdoonkan rabshadaha rabshadaha wata.

“Mas’uuliyiinta waxaa ka go’an inay si dhaqso ah u soo celiyaan xasilloonida dadweynaha ayna qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo dadweynaha New Caledonia,” ayaa lagu yiri bayaanka.

David Guyenne oo ah madaxa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee New Caledonia ayaa Al Jazeera u sheegay in aysan diyaar u ahayn inay sii socdaan mudaaharaadyada rabshadaha wata, kuwaas oo saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha maxalliga ah.

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan runtii u baahanahay waa xaalad degdeg ah, xaaladda degdega ah ayaa noo wanaagsan, waxaan ogaanay in qas-wadayaashaas aan la xakameyn karin”.

Rabshadan ka bilowday gobolka Caledonia ayaa la filayaa inay sii xoogaystaan, balse dowladdu waxay ku dedaalaysaa inay gacan adag ku maareyso