U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan Bahrain Kula Qaatay Madaxweynaha Dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.