U bood dhigaalka

Ra’iisuwasaare Xamse oo Gaaray Dalka Bahrain Si uu Uga Qeybgalo Shirka Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, halkaas oo uu kaga qeyb galayo meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka maanta ka furmaya Magaalada Manama, Ra’iisulwasaare Xamse ayaa kulamo dooceedyo la qaadan doonaa madaxda kasoo qeybgashay shirka.