U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Thailand Uga Qeybgalay Shir Caalami ah

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Diirshe ayaa ka qeyb-galay shir gobolleedka IOTC ee ka socda magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

Agaasimaha ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliya, iyo qorsheyaasha loo baahantahay in lagu dhaqaaqo.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la-dagaallanto Kalluumeysiga sharci darrada ee ka dhaca biyaha Soomaaliya, isla markaana ay Wasaaraddu waddo dadaalo heer calaami ah oo looga hortagaayo Kalluumeysiga sharci darrada.