U bood dhigaalka

Daadad Kusoo Rogmaday Afgaanistaan oo Galaaftay in Ka Badan 40 Ruux iyo Gurmad Socda

Daadadka xooggan oo ku rogmaday gobolka Ghor ee dalka Afgaanistaan ayaa galaaftay nolosha konton qof, halka kuwa kalena weli waa la la’yahay sida uu sheegay Afhayeen u hadlay booliisku, walina ay socdaan dadaallo lagu baadi goobayo.

Waxa uu tilmaamay in daadadku ay burburiyeen laba kun oo guri, kumanaan kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen, marka laga soo tago dhimashada kumanaan xoolo ah, waxa ay baaba’een boqollaal hektar oo dhul beereed ah iyo boqollaal buundooyin iyo kanaalo ah.

Dhanka kale, sarkaalka ka tirsan waaxda maareynta musiibada ee dalkaas, oo lagu magacaabo Obaidullah Mouradian, ayaa sheegay in xaaladda halkaas ay gaartay heerkii ugu xumaa, islamarkaana loo baahanyahay xaalad degdeg ah si dadka loo samata-bixiyo

Waxa uu intaa ku daray in xaaladdu ay tahay mid walaac badan, isla markaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo isugu jira hoy, cunto iyo biyo.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Toddobaadkii hore, in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen daadad ba’an oo ku rogmaday gobolka Baghlan, sida ay sheegeen hay’adda cunnada adduunka ee WFP iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Taliban.