U bood dhigaalka

DEG DEG: Diyaarad siday Madaxweynaha Iiran oo Shil Ka Gashay iyo Faahfaahinno Laga Helayo

Sheeko:War

Diyaarad Helicopter oo uu lasocday Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo xubno katirsan golihii Wasiiradda ayaa dhacday. Telefishinka Press Tv ee Iran laga leeyahay ayaa sheegay in cimilada oo xumaa ay sababtay Shilka.

Wasiirka arrimaha gudaha Iran Ahmad Vahidi ayaa xaqiijiyay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweyne Ebrahim Raeisi ay si adag ugu degtay magaalada Jolfa ee gobolka waqooyi-galbeed ee Iran ee bariga Azarbaijan.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa siday Madaxweyne Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian, Badhasaabka Bariga Azarbayjan Malek Rahmati, iyo dhawr qof oo kale oo rakaab ah.

Maamulka ayaa sheegay in xaaladaha cimilada xun ay ku adkeeyeen kooxaha samatabixinta ee ka socda Bisha Cas ee Iran in ay gaaraan aagga uu shilku ka dhacay.

Unugyada aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya hawlgalka degdegga ah. Madaxweyne Raeisi ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku sugnaa Azerbaijan si uu u daah furo biyo-xireenka wabiga Aras isaga iyo madaxweynaha Asarbayjan Ilham Aliyev.