U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukunno Kale Duwan Ku Ridday Askar Ka Tirsan Milatariga iyo Daraawiishta

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qaybta 60-aad ayaa galinkii danbe ee shalay xukuno kale duwan ku ridday ku hawaad 30 askari oo lagu eedeeyay inay jidgooyooyin dhigteen degmada Bardaale ee Gobalka Bay, halka ay jireen askare kale oo lagu waayay wax dambi ah oo xoriyaddooda dib loo siiyay kadib.

Askarta la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya 30 askari, kuwaas oo isugu jiray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana lagu xukumay xabsi ciidan oo u dhaxeeyay 9 sano ilaa iyo 3 sano, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Maxkamdda Aadan Maxamed.

Askartaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ayqalqal galiyeen ammaanka degmada Bardale iyo isbaaro tiro beel ah oo la dhigtay gudaha iyo bannaanka magaalada oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, taas oo keentay in maxkamadda ciidamadu amar ku bixiso in askaraan lasoo taago maxkamadda ciidamada.

14 kamid ah waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah, 9 kamid ah waxaa lagu xukumay askarta min 3 sano oo xabsi ciidan ah, halka 8 kalena maxkamaddu ay ku weysay wax dambi oo xoriyaddooda ay siisay, sida uu goobta kaga dhawaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qeybta 60-aad Aadan Maxamed.

Ciidamada dowladda qaar kamid ayaa muddooyinkii dambe kasoo muuqanayay maxkamadda ciidamada qalabka sida iyagoo ku eedeysan dambiyo kale duwan oo ay qeyb kayihiin dilal ay geysteen ama jidgooyo ay dhigtaan deegaannada qaar oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, xill ay socdaan howlgallo ciidan.