U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Shilka Geerida Madaxweynaha Wadanka Iran

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda ka dhalatay shilka diyaaradda madaxweynaha Iran, iyadoo warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay Soomaaliya inay garab taagantahay dawladda iyo shacabka Iran, halka ay u rajeynayso Madaxweyne Raisi iyo saraakiisha la socday badqab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la dareemayso xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaska dadkii saarnaa diyaaradda iyo shacabka Iran.

Dhanka kalena Telefishinka dawladda Iran oo ah halkii u horreysay ee laga sheegay dhacdada diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ayaa hadda ku warramay inaysan jirin wax calaamad oo muujinaya inay jirto cid ka badbaaday shilka, halka wakaaladda wararka Iran ee RIA oo xiganaysa sarkaal ka tirsan Dawladda Iran ay sheegtay inay diyaaraddu gubatay.

Madaxa Hay’adda bisha cas ee Iran oo ku sugan goob ku dhow halka ay diyaaradda ku burburtay ayaa isagana sheegay ; “Ma jiro qof ka badbaaday shilka.”

Madaxweyne Raisi iyo wasiirkii Arrimaha dibadda Amir-Abdollahian; waa hoggaamiyihii iyo diblomaasigii ugu firfircoona bariga dhexe tan iyo 7 Oktoobar, markii uu bilowday weerarkii Israa’iil.