U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Muqdisho Shirka Kooga Hadlayo Kobcinta Karaanka Aadanah oo Labada Heer u Dhaxeeya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, kaas oo looga hadlayo xoojinta iyo kobcinta Karaanka Aadanaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inaan bulsho karaankooda iyo waxqabadkoodu liitaahi dadyoga dunida hormartay iyo kuwa tiigsanayaba la tartami karin, asagoo Xusay in loo baahanyahay in kor loo qaado kartida qofnimo ee dadka soomaaliyeed.

Sidoo wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro waxbarashada dhallinyarada, islamarkaana la baro wax ka duwan aqoontii hore oo la jaanqaadi karta hormarka dunida casriga ah.

Gaba-gabeda shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo caqabado badan oo dalka ka jira xalkooda bidhaamiya, islamarkaana bahda adeegga dadweynaha shaqeeya jahayn doona.