U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Soo Xiray Shir Looga Hadlayay Hormarinta Arrimaha Amniga

Sheeko:War

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo socday labo maalmood ayaa looga hadlay mashruuca wadajirka booliiska (JPP-2) sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah uu ka socdo.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka