U bood dhigaalka

Shirka 10-aad ee Biyaha Adduunka oo Ka Furmay Wadanka Indonesia iyo Ajandaha Looga Hadlayo

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey Dalka Indonesia oo uu kaga qeeyb gelayo Shirka Madasha 10aad ee Biyaha ( 10th World Water Forum).

Madashaan oo lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusia waxaa furay Madaxwaynaha waddankaas oo Khudbad ka jeediyey waxaana looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hirgelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweeynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).

Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyey madasha, inta Madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo & Hey’addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.