U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha oo Xalinta Cabashada Ganacsatada Qudaarta u Tagay Koontaroollada Amniga

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay cabashada ganacsatada Qudaarta ayaa saakay kormeer ku tagay aargada degmada Deyniile oo ay ku xayiranyihiin baabuurta Qudaarta soo galiya gobolka Banaadir.

Wasiirka oo goota kula kulmay ganacsatada iyo gaadiidleyda ayaa u sheegay in lagu dadaalayo sidii loo fududeyn lahaa baaritaanka ay maraan, waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay saraakiisha ku sugan baraha koontoroollada amniga, isagoo amray in ciidanka baaritaanka lasoo kordhiyo.

Cabashada ganacsatada iibisa Qudaarta ayaa soo laalaabatay, waxaana marar badan ay sheegeen in baaritaanka oo dheerada uu keeno in ay halowdo qudaarta taas oo khasaare ku ah, waxaana la filaa in booqashada wasiirka ay wax badan ka badasho xaaladda adage e ganacsatadu xiligaan marayaan.