U bood dhigaalka

Kulanka Golaha Wasiirrada Federalka oo Lagu Ansixiyay Sharciyo Dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo kuwaas oo kasoo kala gudbay dhowr wasaaradoos oo ka tirsan xukuumadda DanQaran.

Sharciyadaan oo la xiriiro siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi ayaa kala ah;

  1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
  2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
  3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
  4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
  5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu dalka looga saarayo Al-shbaab oo dowladdu sheegtay i dhowaan dib loo bilaabayo.