U bood dhigaalka

Agaasimaha Furdooyinka Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Shirka Dalalka Bariga iyo Koofurta Africa

Waxaa Magaalada Swakopmund ee Dalka Namibia lagu soo gabo gabeeyay Shirkii Furdooyinka 30-aad ee Dalalka Bariga iyo Koofurta Africa WCO-ESA. 23rd& 24th May 2024

Shirkani oo ahaa meertadii 30aad ee Furdooyinka Bariga iyo Koofurta Africa waxaa daah furay Wasiirka Maaliyadda dalka Namibia H.E. Ipumbu Shiimi.

Dhinaca Soomaaliya oo ku matalayay Agaasimaha Furdooyinka dalka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Abukar Sh Ahmed Mursal ayaa madasha ka jeediyay khudbad ku saabsan guulaha iyo horumarada shaqo ee ka socda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxaa Khudbad ka jeediyay Xoghayaha Guud ee Hey’adda Furdooyinka Caalamka H.E. Ian Sounders, isagoo bogaadiyay dadaalada shaqo ee ka socda Furdooyinka Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in ay Hey’adda si gaar ah u garab taagan tahay xoojinta Furdooyinka ee dhinacyada khibradda iyo farsamada.