U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Ku Dhawaaqday Go’aanka Dacwal La Xiriirta Musuqmaasuq

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday maanta xukunka loo heysto dhowr eedeysane oo loo heystay Musuq maasuq. Dadkaan ayaa kala tirsanaa hay’addaha kala ah. Socdaalka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka.

1-Maxamed Aadan Koofi Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda wax dambi ah oo lagu waayay

2-Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda wax dambi ah oo lagu waayay

3-Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey)wax dambi ah oo lagu waayay

4-Maxamed Ibraahim Axmed Afar sano oo xabsi ah.

5-Abuukar Xasan Aadan 4 sano xarig ah

6-Cabdullaahi Daahir Wehliye 3 sano xarig ah & in uusan xafiis dowladeed qaban karin si joogto ah.

7-Cabdalla Maxamed Axmed Dembi la’aan

8-Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle) 4 sano xarig ah & in uusan xafiis dowladeed qaban karin si joogto ah.

9-Jacfar Maxamed Axmed dambi la’aan

10-Cabidkaafi Xasan Maxamed 2 sano oo xarig ah

11-Maxamed Xuseen Naageeye laba sano oo xarig ah

12- Cusmaan Xasan Cosoble Dembi la’aan

Maxakamadda dadka ayaa bari yeeshay waxayna hay’adihii ay ka tirsanaayeen amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda